Isniin, October 23, 2006(HOL): Gobalka Hiiraan oo inta badan la arki jiray marka la gaaro bilaha ciida in laysku khilaafo, ayaa sanadkan waxaad mooddaa in uu ka duwan yahay sanadihii hore kadib markii uu gobalku ka hana qaaday Maamul Islaami ah.
Magaalada B/weyn ee Xarunta u ah Gobalka Hiiraan ayaa dadka ku dhaqan waxaa ay ahaayeen kuwo si isku mid ah Salaadii Ciidda Ugu wada tukaday Barxad weyn oo ku dhex taala Gudaha xerada lagu Magaacabo (Lama Galaay) Walow haddana ay jiraan Masjidyo aan Tiro bad-neyn oo la furay si dadku ugu Tukudo.
Salaadii Ciida ee lagu Oogay Garoonka Lama-galay oo ay ka soo qeyb-galeen Mas'uuliyiin sar sare oo ka Tirsan Maxkamadda Islaamiga Gobalka ayaa Hadal uu ka jeediyay salaada Kadib Gudoomiyaha Gudiga Fulinta Maxkamada islaamiga Gobalka Hiiraan waxaa uu ka hadalay Arrimo u badnaa Siyaasadda dalka iyo waliba Dowladda Itoobiya.
Shiikh Faarax oo Xiligii uu Qud-bada jeedinayay Amaankiisa la Adkeeyay ayaa sheegay in Qof kasta oo islaam ah Diintu fareyso in uu u Tababarnaado Difaaca Dalka iyo Diinta, waxaana uu intaa ku daray in Ilaah mahadii ay tahay in inta badan Dalka Soomaaliya ay gacanta ku hayaan Islaamiyiin doonaya in ay dalka ku dhaqaan shareecada islaaamka, si looga baxo kala Qoqobnaantii Mudda dheer.
Waxaa uu Tusaale u soo qaatay Gudoomiyuhu sidii uu Gobolku ahaa ka hor inta aysan la wareegin Maxkamaduhu, waxaa uu yiri waan la socnaa sidii ay Umaddu u kala xirneyd iyo in Qof walba uu xor u ahaa in uu sameeyo wixii uu doono' laakiin hadda arimahaasi ma'aha kuwo soconaya ayuu yiri Shiikh Faarax.
Gudoomiyaha Gudiga fulinta oo ay khud-badiisa dhageysanayeen Dadweyne aad u faro badan ayaa sidoo kale sheegay in mar walba laga Adag yahay Hoggaamiye kooxeedyada waxaan uu yiri " waad la soctaan wixii ku dhacay Col. Barre Hiiraale, sidaas daraadeed waa in aad Adinkuna iska difaacdaan kuwa Itoobiya soo garabsanaya ee sida uu hadalka u dhagay duulaanka ku soo ah Gobalka.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia