Isniin, October 02, 2006(HOL): Guddiga Jaamacadda carabta u qaabilsan la socoshada dhaqangelinta heshiiskii ay Dowladda Federaalka iyo Maxkaamdaha Islaamka ku gaareen magaalada Khartoum ee dalka Suudaan ayaa wuxuu ku baaqay in la qabto shir la isugu keenayo dhinacayada Dowladda Federaalka iyo Maxkamadaha Islaamka, kadib markii ay is-bedello ku yimaadeen siyaasadda Soomaalida, wuxuuna guddiga baaqaas u jeediyay Xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta Caamir Muusa.
Hayeeshee Caamir Muusa oo Suudaan u tegaya arrimaha dardargelinta Shirka Maxkamadaha iyo Dowladda waxaa uu u sheegay xubnaha Guddigaas in ay sii laba laabaan dadaalkooda ku aadan xal u helidda arrimaha Soomaaliya, iyagoo markaasina xiriiro la sameynaya ururrada heer gobol iyo kuwa caalamiga ah ee ay khuseyso arrinta Soomaaliya.
Samiir Xusni oo Jaamacadda Carabta u qaabilsan arrimaha Soomaaliya oo BBC-da la hadlay ayaa markaasi kadib sheegay in Jaamacadda Carabta ay qaban qaabineyso shir afar geesood ah oo ay ka qeybgelayaan Dowladda Kenya, Jaamacadda Carabta, Dowladda Federaalka iyo Maxkamadaha Islaamka, iyadoo shirkaasina looga hadli doono is-bedellada ka dhacay Soomaaliya kadib shirkii Khartoum ee u dambeeyay, iyadoo shirkaasina uu dhici doono kadib marka ay Jaamacadda Carabta wafdi u dirto Soomaaliya iyo dalalka la deriska ah ee arrimaha Soomaaliya ku lugta leh.
Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia