Talaado, October 17, 2006(HOL): Ra’iisal Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Cali Maxamed Geedi ayaa la filayaa in uu u amba baxo magaalada
Prof. Geedi ayay wararku sheegayaan in uu magaalada Nairobi ku saxiixi doono dhaqaale gaaraya dhowr iyo labaatan Milyan oo Doollarka Mareykanka ah oo ay deeq bixiyayaashu ugu talagaleen in ay siiyaan Dowladdiisa kadib wada hadal dheer oo ay Magaalada Nairobi kula lahaayeen Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Dr. Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa oo ay ka wada hadleen sidii ay Deeq bixiyayaashu ugu taageeri lahaayeen Dowladda Federaalka 35-ka Milyan ee Doollar ee ay miisaaniyad ahaan ugu talagaleen mudada lixda bilood ah.
Ra’iisal Wasaare Geedi ayay wararku sheegayaan in laga yaabo in uu booqasho gaaban ku tago magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, si uu halkaasi ugula kulmo saraakiisha dhinaca ammaanka ee Midowga Afrika oo gacanta ku haya qorshaha ciidanka loogu soo dirayo Soomaaliya.
Dhanka kalena, Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Md. Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa ayaa la filayaa in uu todobaadkan booqasho ku kala bixiyo dalalka Khaliijka qaarkood oo ay ka mid yihiin dalalka Qadar iyo Sacuudiga.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Md. Buubaa oo magaalada Nairobi haatan ku sugan ayaa u sheegay Wargeyska Sanca Press ee Muqdisho ka soo baxa in socdaalka uu ku tegayo dalalka Khaliijka uu qeyb ka yahay dhaqaalihii ay Jaamacadda Carabta u qorsheysay in ay siiso Dowladda Federaalka.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia