Khamiis, November 02, 2006(HOL): Madaxa Ammaanka Maxkamadaha Islaamka Yuusuf Maxamed Siyaad Indha Cadde oo xafiiskiisa shir jaraa’id kuq abtay ayaa sheegay in xadka u dhaxeeya Soomaaliya iyo
Yuusuf Indha Cadde waxaa uu sheegay in ciidamadaas oo dhaqdhaqaaqyo bilaabay ay wataan Gaadiid dagaal oo ay Kenya leedahay, wuxuuna Dadka Kenya ugu baaqay in ay ka hortagaan dhibaatada ay dowladdoodu abuureyso, haddii ay ka hortegi waayaana aysan heysan doonin nabadda ay haatan heystaan, “Itoobiya maanta nabad ma ahan laakin Kenya nabadgelyo ayaa ka jirta, nabaddaas Kenya ma heysaneyso haddii aaney dadkeeda ka hortegin dhibaatada ay dowladdooda wadddo”ayuu ku goodiyay Madaxa Ammaanka Maxkamadaha Islaamka Yuusuf Maxamed Siyaad Indha Cadde.
Yuusuf Indha Cadde oo la weydiiyay waxa uu ku caddeyn karo warka uu sheegayo ayaa sheegay in ay maxkamadaha Islaamka leeyihiin rag sir-doon ah oo arrimahaas la socda, todobaadyadii la soo dhaafayna ku jirayn howlo xaqiijin ah, “waxaan cod dheer ku sheegayaa beesha Caalamkana aan u sheegayaa in dowladda Kenya ay soo gelisay xadka Soomaaliya iyo Kenya u dhaxeeya ciidamo Itoobiyaan ah oo gashan labiska ciidamadeeda”ayuu yiri Yuusuf Indha Cadde.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia