4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
advertisements
Shakhsiga Sannadka ee Hiiraan Online 2023: Abuukar Daahir Cismaan (Baalle)

Khamiis, January, 11, 2024

 

 

 

Iyada oo aynu ku nool nahay waqti diblomaasiyaddu ay u baahan tahay codkarnimo xeeladaysan iyo karti aan la hor istaagi karin, Abuukar Daahir Osman, Safiirka iyo Wakiilka Joogtada ah ee Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay, waxaa lagu bartay in aanu ahayn shakhsi daawade ka ah xaaladaha socda, ee uu ku caan baxay falkinta siyaasad farsamaysan. Guulihiisa muuqada ee sanadka 2023, waxaa ka mid ah hagidda iyo dhamaystirka qaadista cunaqabateynta hubka ee UN tu saartay dalka sannadkii 1992 iyo xaqiijintii deyn-cafintii taariikhiga ahayd, kuwaanoo ka dhigaya Abuukar siyaasi kasoo dhex muuqaday meelaha ugu sarreeya diblomaasiyadda caalamka. Isaga oo u caleemo-saaran, Shakhsiga Sanadka 2023 ee Hiiraan Online, Osman wuxuu matalaa adkeysiga iyo ifafaalaha qurxoon ee waddan, ka soo kabanaya dambaskii iyo haarihii uu reebay waayihii soo maray ee adkaa.

Heerarka uu Soo-maray

advertisements
Shaqadiisii ugu horreysey, Abuukar Baalle, waxa uu kasoo bilaabay meelaha ugu hooseeya, isagoo shaqaalle xafiiseed ka noqday Wasaaradda Qorshaynta Qaranka ee Soomaaliya. Hawlkarnimadiisa iyo kartidiisa ayaa markiiba keentay in la dallacsiiyo, isaga oo noqday Agaasimaha Xarunta Dukumentiga ee Qaranka Soomaaliyeed. Sannadahaas uu dowladda u shaqeynayey ee hore ayaa qaabeeyey xirafaddiisa iyo fahamka uu u yaashay siyaasad-dejinta heer qaran iyo saamaynteeda heer calami intaba. 

Intii u dhaxaysay 1996 iyo 1998, Abuukar Baalle waxaa uu xeel-dheere dhinaca dukumentiyada ka noqday Xarunta Qaramada Midoobay ee Xuquuqda Aadanaha ee Tirana, Albania. Xilkan ayaa u iba-furay inuu noqdo shakhsi aad u fahansan arrimaha xuquuqul insaanka iyo diblomaasiyadda caalamiga ah. Waayo-aragnimadiisa uu ka dhaxlay xilkaan, waxa ay ahayd mid muhiim u ah horumarinta iyo fahanka qotada-dheer ee xirfaddiisa, diblamaasi ahaan.

Ku-noqoshadii Adeegga Dadweynaha

Muddooyin badan oo muhiim ahaa ayuu ku sugnaa dalka Mareykanka, halkaas oo uu ka helay waayo-aragnimo badan oo ah dhinacyada shaqooyinka kale ee adeegga bulshada, oo ay kamid aheyd maamule uu ka noqday the Adult Medicaid Unit ee Waaxda Shaqada iyo Adeegyada Qoyska ee Degmada Franklin, ee dalka Maraykanka. Abuukar Baalle wuxuu intaa kaddib ku laabtay Soomaaliya. Kusoo noqoshadii dalka, ayaa bog cusub u noqotay in uu dib ugu laabto siyaasadda, iyadoo sanadkii 2017 loo magacaabay Safiirka Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay.

Dadaalkiisii tacliineed, oo uu shahaadada Masterka ka qaatay Jaamacadda Illinois State iyo markii dambe oo uu ka qaatay Jaamacadda Franklin, Ohio, ayaa iaasaas adag u dhigtay aqoontiisa diblomaasiyadeed.

Qaadista Cunaqabataynta Hubka: Guul la Taaban Karo

Sannadkii 2023 waxa uu ku suntanaa guushii Abukar Baalle tanoo ah markii Qaramada Midoobey ay qaadday cunaqabateyntii hubka ee Soomaaliya saarneyd tobanaan sanno. Tani ma ahayn guul diblamaasiyadeed oo keliya, balse waxay aheyd muuqaal beddelay aragtidii laga haystey dalka Soomaaliya, oo muddo dheer loo arkayey inuu yahay dhul colaadeed. Cunaqaba-tayntan oo markii hore lagu soo rogay in lagu hakiyo qulqulka hubka ee dhinacyada iska soo horjeeday ka dib dhicistii dowladdii Maxamed Siyaad Barre, waxay astaan markii danbe u noqotay dul-joogteynta caalamiga ah  ee lugu xadaynayey Soomaaliya iyo u madax banaanida go’aamadeeda qaran.

Abuukar Daahir Cusmaan Baalle ayaa door muhiim ah ka qaatay u ololeynta isbeddelkan, isagoo carrabka ku adkeeyay in badan horumarka Soomaaliya ay ka sameyneyso dowladnimada iyo maareynta amniga. Dadaalkiisa diblumaasiyadeed ayaa ahaa mid muhiim u ahaa in beesha caalamka uu ka dhaadhiciyo in qaadista cunaqabateyntu aysan ahayn oo kaliya mid xaq ah balse lagama-maarmaan ay u tahay mustaqbalka iyo jiritaanka Soomaaliya.

Saamaynta go'aankani ayaa ahaa mid  awood u siiyey Soomaaliya in ay ku tallaabsato go’aamo hortebin leh  oo ay ka mid ahayd in dowladdu ay dib-u-dhisto awooddeeda ciidan, taasoo lagama maarmaan u ah la-dagaallanka khataraha nabad-diidka, gaar ahaan Al-Shabaab. Tallaabadan ayaa ah mid la socota Qorshaha kala guurka ee Soomaaliya iyo qaab dhismeedka amniga qaranka, iyada oo yoolku uu yahay in lagu xoojiyo awoodda ciidamada ammaanka qaranka.

Sidoo kale, go'aankan ayaa kusoo beegmaya xilli xasaasi ah oo ay ciidamada Midowga Afrika ee (ATMIS) isu diyaarinayaan ka bixitaankooda qorshaysan ee Soomaaliya bisha December 2024. Haddaba, qaadista cunno-qabteynta ma ahan oo keliya astaan faa’iido oo muuqata, balse waa tallaabo la taaban karo oo loo qaaday dhinaca maareynta iyo isku-tashiga amni ee Soomaaliya.

Xaqiijinta Deyn-cafinta $4.5 Bilyan: Soo-noqoshada Madaxbanaani Dhaqaale 

Guul kale oo taariikhi ah oo la gaaray intii uu xilka hayay Abuukar Baalle ayaa ah in hay’adaha lacagta adduunka ee IMF iyo Bangiga Adduunku ay $4.5 bilyan oo deyn cafin ah ay u fidiyeen Soomaaliya. Go'aankan muhiimka ah ayaa ka dhashay hirgelinta hab-raaca dib-u-habaynta maaliyadeed oo loo dejiyey Waddamada Danyarta ah ee deymaha badan lagu leeyahay. 

Cafinta deymaha ayaa Soomaaliya u horseedeysa isbeddel, iyadoo si weyn hoos ugu dhigtay sanadka 2018 daymaha dibadda looga lahaa ilaa 64% GDP ga waddanka, kana dhigtay wax-ka-yar 6% dhammaadka 2023. Deynta la cafiyay ayaa albaabada u furaysa Soomaaliya si ay u hesho ilo dhaqaale oo muhiim u ah xoojinta dhaqaallaha, dhimista saboolnimada, iyo kor-u-qaadidda shaqo abuurka.

Wasiirka Maaliyadda Biixi Cige ayaa soo koobaya dareenka Soomaaliya ee ka dhashay guushaas. “Cafinta deynta looma arko kaliya inay tahay guul muhiim ah balse sidoo kale waxaa loo arkaa in Soomaaliya ay cagaheeda isku taagto oo ay sii joogteyso guulaha dib-u-habeynta ah ee lugu tallaabsaday sannadihii lasoo dhaafay”. Guulahan ayaa sidoo kale tilmaamaya kalsoonida beesha caalamka ee ku aaddan in Soomaaliya ay si hufan u maamusho dhaqaalaheeda iyo dowladnimadeeda.

Cafinta deynta ayaa sidoo kale astaan u ah in la qirayo horumarka Soomaaliya ay ku tallaabsatay xilli ay wajahayso caqabado ay ka mid yihiin is-beddelka cimilada  iyo dagaallada joogtada ah ee ka dhanka ah argagixisada caalamiga ah. Tanoo daliil u ah adkaysiga iyo dadaalka ay dawladda Soomaaliya iyo shacabkeedu ugu jiraan hanashada tubta dhaqaalaha iyo xasilloonida dalkooda.

Annaga oo u dabaal-degeyna Abukar Dahir Osman Baalle oo noqday "Shakhsiga Sanadka 2023," keliya kuma bogaadinayno guulaha diblamaasiyadeed ee uu soo hooyey, basle waxaan qirayanaa aragti-dheeridiisa oo run-ahaantii dib-u-qeexday farshaxanka diblomaasiyadda, annaga oo u aqoonsanayna inuu yahay hoggaamiye wax ka beddelay hiigsiga qaranimada, iyo halyeey cutub cusub oo Soomaaliya ah, ku qoray masraxa adduunka.







 





Click here