4/30/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 31, 2024
Faahfaahin ku saabsan kulan Garowe ku dhexmaray madaxweyne Deni iyo wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya
 

Axad, Maarso, 31, 2024 (HOL) - Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Catriona Laing ayaa magaalada Garoowe kulan albaabadu u xiran yihiin kula qaadatay madaxweyne Deni, kadib markii Puntland ay ku dhawaaqday inay la laabatay aqoonsigii dowladda federaalka.

Qoraal kooban oo lasoo dhigay barta UNSOM ee Twitter- ayaa lagu sheegay in kulanka looga hadlay arrimaha mudnaanta u leh dhismaha dowladnimada Soomaaliya oo ay ka mid tahay hannaanka dib u eegista dastuurka.

Madaxweyne Deni oo kasoo muuqday shir jaraa’id oo ay madaxtooyada ku wada qabteen isaga iyo wakiilka Qaramada Midoobay, wuxuu sheegay in ay Qaramada Midoobay la wadaageen go’aankii ay aqoonsiga ugala laabteen dowladda federaalka Soomaaliya.

Wakiilka Qaramada Midoobay Catriona Laing ayaa dhankeeda sheegtay inu madaxweynaha Puntlad uu u sheegay inay ka go’an tahay sii socoshada arrimaha dastuurka, si xal looga gaaro khilaafka hadda ka taagan wax ka beddelka lagu sameeyay dastuurka.

Imaatinkeeda Garowe ayaa kusoo beegmay saacado kadib  markii ay golaha wasiirrada ee Puntland isku raaceen in kalsoonida lagala noqdo dowladda federaalka Soomaaliya.

Puntland waxay sheegtay inay u dhaqmayso sida dowlad madax bannaan, inta laga helayo dastuur Soomaaliyeed oo heshiis lagu yahay.