4/30/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 31, 2024
Baydhabo: Ciidamada amaanka oo gacanta ku dhigay nin Bam ku weeraray Masaajid
 

Axad, Maarso, 31, 2024 (HOL) - Ciidamada amaanka ee magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa gacanta kusoo dhigay nin la sheegay inuu Bam gacmeed ku weeraray Masaajid ku yaala xaafad ka tirsan Baydhabo.

Ninkaan ayaa la sheegay in lagu soo qabtay howlgal ay iska kaashadeen qeybaha kala duwan ee ciidamada oo ay ka sameeyeen gudaha magaaladaas.

Sarkaal ka tirsan ciidanka oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ninkaan lasoo qabtay lagu xiray Saldhiga magaalada Baydhabo, islamarkaana soo qabashadiisa ay fududeyeen dad shacab ah.

“Ninka falka gaystay, isla markii ayaa horay laga qabtay ciidanka Asluubta ayaa howlgalay gacanta ayaana lagu soo dhigay. Waxaan ka codsanayaa shacabka inay la shaqeeyaan laamaha ammaanka, si looga hortego wax kasta oo halis ku ah nabad-gelyada deegaanka” ayuu yiri sarkaalka la hadlay Warbaahinta.

Amaanka magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa muddooyinkii dambe ahaa mid soo hagaagayay, kadib markii ciidamadu ay kordhiyeen howlgalada ay ku xaqiijinayaan amniga magaaladaas.