4/30/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 31, 2024
Puntland oo ku dhawaaqday inay noqonayso dowlad madax bannaan inta laga helayo dastuur heshiis lagu yahay
 

Axad, Maarso, 31, 2024 (HOL) - Puntland ayaa ku dhawaaqday inay kalsoonidii iyo aqoonsigii kala noqotay hay’adaha dowladda federaalka ee Soomaaliya , sida lagu sheegay go’aan kasoo baxay golaha wasiirrada ee Puntland

Go’aankaan ayay Puntland u gaartay iyadoo ka jawaabaysay go’aankii labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ay maalintii shalay ku meel mariyeen wax ka beddelka dastuurka kumeel gaarka ah ee Soomaaliya.

Puntland waxay si cad u sheegtay inay yeelanayso awoodda dowlad madax bannaan, iyadoo tilmaamtay inay ku dhaqmayso qodobka 4-aad ee dastuurkeeda, inta laga helayo dastuur federal ah oo heshiis lagu yahay, oo loo qaado afti dadweyne.

Waxay sheegtay Puntland in madaxweyne Xasan Sheikh uu lumiyay sharciyaddii dastuuriga ahayd ee madaxweynimo, iyadoo sheegtay inuu buriyay nidaamkii Soomaali heshiiska ku ahayd.