4/30/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 30, 2024
Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya oo bogaadisay ansixinta dhameystirka Dastuurka
 

Sabti, Maarso, 30, 2024 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa ku bogaadiyay Xildhibaanadda labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ansixinta wax ka badelka cutubka 1-aad iyo 4-aad ee Dastuurka dowlada Federaalka Soomaaliya oo maanta meel mariyeen labada gole ee Baarlamaanka.

Raysal wasaare Xamse sidoo kale sheegay in maanta ay tahay maalin taariiqi ah oo ay Xukuumaddiisu fulisay mid ka mid ah balan qaadyadii ay horay u sameeysay Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya.

"Xukuumadda DanQaran ayaa muddo gaaban ku xaqiijisay guulo waaweyn oo wax badan ku soo kordhinaya hannaanka Dowladnimada Soomaaliya, kuwaas oo ay kamid yihiin, Deyn Cafinta, Qaadista Cunaqabateynta Hubka, Dagaalka lagu ciribtirayo Khawaarijta, Ku Biirista Suuqa Bariga Afrika, xoojinta xiriirka caalamiga ah iyo tallaabada maanta lagu ansixiyey wax-ka-beddelka cutubka 1-aad iyo 4-aad ee Dastuurka JFS" ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Xafiiska Raysal Wasaare Xamse.

Wuxuu sidoo kale xusay raysal wasaaraha Soomaaliya inuu ku faraxsan yahay in talada dalka dib loogu celiyo dadka Soomaaliyeed si ay u soo doortaan hoggaanka ay doonayaan.

Ugu dambeyntii labada Aqal ee Baarlamaanka dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si aqlabiyad leh u meel mariyey dhamaystirka Dastuurka oo soo maray marxalado kala duwan, xili ay kasoo horjeedeen in Dastuurka wax ka badal lagu sameeyo xubnaha mucaaradka iyo maamulka Puntland.