4/30/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 30, 2024
Madaxweyne Xasan Sheekh “Maanta waa maalin taariikhi oo baal dahab ka gali doonta hannaanka dowlad dhiska"
 

Sabti, Maarso, 30, 2024 (HOL) - Madaxweyne dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si deg deg ah ugu bogaadiyey guddoonka iyo Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya kulankii ay maanta ku ansixiyeen qabyotirka cutubyada 4-ta ah ee Dastuurka Federaalka Soomaaliya oo ay ka soo shaqeeyeen labada guddi ee dib u eegsita Dastuurka.

Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Dastuurka la ansixiyay uu yahay mid ku saleysan Shareecada Islaamka iyo dhaqanka  Soomaaliulyeed, islamarkaana dhameystirkiisa uu muhiimad weyn u leeyahay dowladnimada.

“Maanta waa maalin taariikhi oo baal dahab ka gali doonta hannaanka dowlad-dhiska dalka ee muddada soosocday. Dhammeystirka Dastuurka waxa uu aasaas u yahay horumarinta dimuqraadiyadda, qarannimada iyo Hay’adaha dowladnimada, waxaan ugu baaqayaa Xildhibaanna Labada Aqal in ay sii amba-qaadaan turxaan-bixinta, toosinta iyo dhammeystirka cutubyada dhiman ee Dastuurka" ayuu yiri madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud.

Ansixinta dhameystirka Dastuurka ayaa kusoo beegmeysa, iyadoo maalmahii lasoo dhaafay ay doodiisu ka socotay Baraalamaanka Fedaraalka Soomaaliya, fadhigii maanta ayayna ugu dambeyn labada gole si wadajir ah ugu ansixiyeen qabyotirka Dastuurka.

Madaxweynayaashii hore, siyaasiyiin kale iyo maamulka Puntland ayaa si weyn u diidana qorshaha wax ka badalka Dastuurka, waxaana dhinacyadaasi laga filaya in saacadaha soo socda iney soo saaraan go'aano ay kaga soo horjeedaan ansixinta Dastuurka.