4/30/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 30, 2024
Ciidamada Badda Hindiya oo badbaadiyay 23 Kalluumeysato Pakistani ah oo Burcad Badeed Soomaalidu afduub u haysteen
 

Sabti, Maarso, 30, 2024 (HOL) - Ciidamada badda Hindiya ayaa burcad badeed Soomaali ah ka soo badbaadiyay ugu yaraan 23 kalluumeysato Pakistani ah, ka dib howlgal socday 12 saacadood oo ay ka sameeyeen badda Carabta.

Burcad-badeedda ayaa lagu qasbay inay is dhiibaan. Shaqaalihii markabka oo ka koobnaa 23 qof oo Pakistani ah, ayaa si nabad ah loo soo badbaadiyay,” sida ay ku sheegeen ciidamada badda Hindiya hadal ay soo saareen.

Hawlgalka badbaadinta ayaa dhacay saacadihii hore ee Maarso 29. Markabka dagaalka ee ciidamada badda Hindiya ee INS Sumedha ayaa qabtay markabka la afduubay ee FV Al-Kambar.

Waa howlgalkii labaad oo ay ciidamada badda Hindiya ku qasbaan burcadbadeeda inay isa soo dhiibaan iyadoo aan wax dhiig ah ku daadan.

Horaantii bishan, ciidamada badda Hindiya waxay ku qasbeen in ka badan 30 burcad badeed Soomaali ah inay isa soo dhiibaan, waxayna badbaadiyeen shaqaalihii markabka saarnaa.

Ciidamada Badda Hindiya ayaa sidoo kale Jimcihii shalay ka jawaabay weerar ay burcad badeedu ku qaadeen markab kaluumaysi oo Iran laga leeyahay oo marayey badda Carabta.

Waxa ay sheegtay xilligaas in laba markab oo kuwa badda ah loo weeciyay in ay dhexda u galaan markabka la afduubtay ka dib markii ay heleen xog.

Xiliga uu shilku dhacayay markabka kaluumaysiga ee Iran waxa uu ku sugnaa meel ku dhawaad 90 mayl-badeed koonfur galbeed kaga beegan magaalada Socotra waxaana markabka kalluumaysiga ka raacay sagaal budhcad-badeed hubaysan.

Ciidamada Badda Hindiya ayaa dhowr jeer howlgalo ay ku fashiliyeen burcad badeeda waxa ay ka fuliyeen Badda Carabta iyo Gobolka Badweynta Hindiya.