5/1/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 29, 2024
Soomaaliya iyo Shiinaha oo ku heshiiyey in la xoojiyo dadaallada difaaca iyo ka hortagga argagixisada
 

Jimco, Maarso, 29, 2024 (HOL) - Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya Fei Shengchao ayaa ku heshiiyey in labada dal ay sare u qaadaan iskaashiga dhanka difaaca.

kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho, ayaa diiradda lagu saaray amniga iyo ka hortagga argagixisada.

Sida ay shaacisay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, kulanka waxaa diiradda lagu saaray sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka difaaca iyo sidii la isaga kaashan lahaa la dagaallanka argagixisada.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa uga mahad celiyey Shiinaha taageerada joogtada ah, waxa uuna tilmaamay muhiimadda iskaashiga istaraatiijiyadeed ee lagu gaarayo ujeedooyinka amniga ee Soomaaliya.

Danjire Fei ayaa xaqiijiyay taageerada Shiinaha ee Soomaaliya, isagoo carrabka ku adkeeyay xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dal.