4/30/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 4 , 2024
Somaliland oo sheegtay in Soomaaliya anay xidhi karin xafiiska Itoobiya ee Hargaysa
 

Khamiis, April, 4, 2024 (HOL) - Xukuumada Somaliland ayaa sheegtay in dowlada Soomaaliya anay awood u lahayn in ay xidho xafiiska Itoobiya ee Hargaysa.

Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Marwo Rooda Jaamac Cilmi, oo waraysi gaar ah siiyay idaacada VOA Somali, ayaa sheegtay in go'aamada Golaha Wasiirada Soomaaliya anay saamayn ku yeelan doonin Somaliland.

"Go'aan kaasi go'aan na khuseeya anaga maaha, hadaanunahay dowlada Somaliland, wax anaga meel noo yaala oo saamyn nagu leh marnaba maaha, laba dal oo kala madaxbannaan ayaanu nahay markaa taasi anaga nooma taalo" ayay tidhi Marwo Rooda.

Waxa ay sheegtay in markii la furayay xafiiska Itoobiya ee Hargaysa aan laga talogalin dowlada Soomaaliya, isla markaana imikana aanu go'aan kaasi soo dhaafi doonin qolkii ay ku shireen Golaha Wasiirada Soomaaliya.

Isfahamka Somaliland iyo Itoobiya ayay ku tilmaantay mid labada dhinac ay aayahooda kaga tashadeen, waxayna sheegtay in talaabooyinkii ay dowlada Soomaaliya qaaday si ay u joojiso heshiiska anay wax saamayn ah ku yeelan uuna hirgalayo.

"Go'aamada kale ee soo socdaana wax saamayn ah nagu yeelan mayaan, waxa hubaal ah in ay riyoodeen, golaha wasiirada ee xalane ku dhexjira iyo Xasan Sheekh ba, maalin cad ayay riyoodeen" ayay hadalkeeda sii raacisay Marwo Rooda.

Golaha Wasiirada Soomaaliya, ayaa maanta galinkii hore go'aamiyay in Safiirka Itoobiya ee Soomaaliya uu Addis Ababa dib ugu noqdo, isla markaana la xidho xafiisyada Itoobiya ee Hargaysa iyo Garoowe, xili uu khilaaf siyaasadeed u dhexeeyo labada dal.