4/30/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 4 , 2024
Qarax geystay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Magaalada Muqdisho
 

Khamiis, April, 4, 2024 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax duhurnimadii maanta ka dhacay deegaanka Garasbaaleey ee magaalada Muqdisho, kaasoo lala eegtay gaari ay saarnayeen Samafalayaal u dhashay dalka Turkiga iyo dad kale oo Soomaali ah.

Qaraxa ayaa la sheegay inuu ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso ee laga hago meelaha fog fog, taasoo haleeshay gaariga ay saarnayeen muwaadiniin u dhalatay Turkiga iyo xubno kale oo Soomaali ah.

Dad ku sugan agagaarka goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa warbaahinta u sheegay in qaraxa uu geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray Samafalayaasha Turkida iyo xubnaha kale ee Soomaalida ah.

Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in khasaaraha ugu badan uu soo gaaray ilaalada la socotay xubnaha Samafalayaasha ah ee u dhashay dalka Turkiga oo Soomaali ah, hayeshee majiro war rasmi ah oo xaqiijinaya khasaaraha dhabta ah ee qaraxa ka dhashay.

Ciidamo ka tirsan kuwa amaanka dowladda Fedaraalka ayaa gaaray saacado kadib goobta qaraxa ka dhacay, kuwaas goobta ka qaaday dadkii ku dhaawacmay qaraxa iyo kuwii kale ee ku dhintay, waxaana halkaasi looga tagay gaarigii la qarxiyay oo si weyn u bur buray dhamaantiis.

Wararkii dambeeyay ayaa sheegaya in Samafalayaasha Turkida ah ee maanta qaraxa lala eegtay in maalmahii lasoo dhaafay ee bisha Ramadaan ay ka wadeen kaamamka ku yaala Muqdisho iyo duuleedkeeda howlo gargaar ah.