4/30/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 4 , 2024
9 burcad badeed Soomaali ah oo laga qabtay xeebaha Soomaaliya oo la geeyay magaalada Mumbai
 

Khamiis, April, 4, 2024 (HOL) - Markab siday 9 burcad badeed Soomaali ah oo lagu qabtay xeebaha Soomaaliya ayaa shalay gaaray magaalada Mumbai ee dalka India.

Burcad badeedda ayaa lagu wareejiyay booliska deegaanka si ay tilaabo dheeri ah uga qaadaan.

Maraakiibta dagaalka ee dalka India ee INS Trishul iyo INS Sumedha ayaa ku guuleystay inay badbaadiyaan FV Al Kambar iyo shaqaalihii la socday oo ka koobnaa 23 qof oo Pakistani ah.

Horaantii bishan ayay ahayd markii ciidamada badda Hindiya ay qaadeen howlgal kale, waxaana ay qabteen markab lagu magacaabo Ruen oo ku sugnaa ku dhawaad meel 2,600 km u jira xeebaha Hindiya markii ay burcadbadeeddu weerareen.

Hawlgalka oo qaatay 40 saacadood ayaa markabka dagaalka INS Kolkata wuxuu ku qasbay dhammaan 35-ka budhcad-badeedda ah inay is-dhiibaan, waxaana halkaas lagu badbaadiyay 7-shaqaale ah.

India ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda ay xukunno waawayn ku riddo burcad badeedda ay gacanta ku hayso.