4/30/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 3 , 2024
Ugu yaraan 5 qof oo ku nafwaayay dab ka kacay kaalin shidaal gobolka Sool
 

Arbaco, Apriil, 3, 2024 (HOL) - Sida ay kusoo waramayaan warbaahinta gobolka Sool 5 qof ayaa ku nafwaayay 9 kalena way ku dhaawcmeen dab ka kacay kaalin shidaal oo ku taala tuulada Bali-Hadhac oo ka tirsan degmada Laascaanood ee gobolka Sool.

Sida uu baahiyay SomNews TV waxa dabka ku nafwaayay hooyo xaamilo ah iyo laba hablood oo ay dhashay, iyada oo qoyska goobta ku shufbeelay ay ka hadheen kali ah gabadh iyo aabaheed oo iyagu aan goobta joogin markii ay masiibadu dhacaysay.

Guud ahaan dadka ku dhintay dabka ayay tiradoodu gaadhaysa 5 qof sidookale dadka dhaawacaha ah ayaa loola cararay degmada Laascaanood, Widhwidh iyo magaalooyinka kale ee ku dhaw goobta uu dabku ka kacay.

Hooyada xaamilada ah iyo hablaheeda agaa la sheegay in ay iibsanayeen dharka ciida markii ay masiibadu haleeshay, maamulka degmada Laascaanood ayaa goobta dabku ka dhacay u diray dabdamis, dawooyin iyo gaadiidka gargaarka caafimaadka.

Wali xog faahfaahsan lagama hayo sida uu dabku ku bilaabmay, lakiin dabka oo ka bilaabmay goob suuq ah oo la sheegay in ay kaalin shidaal ku taalay ayaa ku fiday goobo kala duwan.