4/30/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 3 , 2024
Itoobiya oo sheegtay inay doonayso inay xiriir dhow la yeelato Puntland
 

Arbaco, Apriil, 3, 2024 (HOL) - Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Itoobiya, Danjire Mesganu Arga, ayaa magaalada Addis Ababa kusoo dhoweeyay wafdi wasiirro ah oo uu hoggaaminayay Wasiirka Maaliyadda Puntland, Maxamed Faarax Maxamed.

Labada dhinac ayaa kawada hadlay iskaashiga ganacsiga, maalgashiga, iskaashiga tamarta, iyo mashaariicda kaabayaasha wadajirka ah si loo xoojiyo loona ballaariyo xiriirka labada dhinac.

Wasiirka maaliyadda Puntland ayaa sheegay, Puntland inay doonayso inay xoojiso xiriirkeeda Itoobiya, isagoo ku nuux-nuux saday muhiimadda ay leedahay in diiradda la saaro ganacsiga, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, iyo iskaashiga dhaqaalaha.

Danjire Mesganu ayaa dhankiisa sheegay, Itoobiya inay ka go’an tahay xiriir ay la yeealato maamulka Puntland, wuxuuna caddeeyay in Itoobiya ay diyaar u tahay iskaashi dhinacyo kala duwan leh.

Kulankaan ayaa kusoo beegmay, xilli madaxweyne Deni warar aanu helnay ay sheegayaan inuu ku sugan yahay magaalada Addis Abaaba, isagoo halkaas ugasii gudbaya dalka Imaaraatka Carabta.

Puntland ayaa dhawaan sheegtay inay kalsoonidii kala laabatay dowladda federaalka Soomaaliya, iyadoo sheegtay inay u dhaqmayso sida dowlad madax bannaan oo kale.