4/30/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 3 , 2024
Nabadoon Caan ahaa oo lagu dilay duuleedka magaalada Jowhar
 

Arbaco, Apriil, 3, 2024 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil Xalay kooxo hubeysan ay ugu geysteen duuleedka magaalada Jowhar Nabadoon caan ka ahaa gobolka Shabeellaha Dhexe.

Nabadoonka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Xasan Cali Muude, kasoo ka mid ahaa waxgaradka caanka ka ah magaalada Jowhar iyo deegaanada kale ee ku teedsan.

Dilka Nabadoonka ayaa la sheegay inuu ka dhacay tuulada Casirmaal oo ka mid ah tuulooyinka hoostaga magaalada Jowhar, waxaana la tilmaamay in dableyda dishay nabadoonka ay kala dageen gaari uu la socday.

Dilka Nabadoonka ayaa la sheegay inuu yahay mid salka ku haaya aargoosi aano qabiil ah, islamarkaana ay fuliyeen rag ku hubeysnaa qoryo, sida ay warbaahinta gudaha u sheegeen qaar ka mid ehelada nabadoonka la dilay.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka laamaha amaanka ee maamulka magaalada Jowhar oo ku aadan dilkaan Xalay loogu geystay duuleedka magaaladaas nabadoonka gaariga lagala dagay ee hadana la dilay.

Gobolka Shabeellaha Dhexe waxa uu ka mid yahay gobolada ay sida weyn u saameeyeen dagaal beeleedyada ka dhaca gudaha dalka.