4/30/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 3 , 2024
Raysal wasaare Xamse "Waxaa la soo afjaray dilalkii loo geysan jiray Wiilasha Bajaajlayaasha Muqdisho"
 

Arbaco, Apriil, 3, 2024 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Fedaraalka ayaa degmada Kaxda ee magaalada Muqdisho uga qeyb galay kulan Afur wadareed ahaa.

Kulanka ayaa la sheegay in u jeedkiisu ahaa mid lagu muujinayey amniga iyo horumarrada kala duwan ee ka jira magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Raysal Wasaaraha oo kulanka ka jeediyay khudbad dhinacyo badan taabaneysay ayaa ugu horeyn ku amaanay shacabka degmada Kaxda sida ay isugu tashadeen, islamarkaana ay horumarka degmadooda gacan weyn ugu geysteen.

“Degmada Kaxda waxaa deggan dad iimaan iyo akhlaaq leh, lagamana filaayo in daroogo iyo khawaarij ku faafto, labaduba waxa ay ku faafaan meelaha jahligu yaal, halkaanna waa goob culimo oo kitaabta lagu akhriyo, Kaxda imaashaheda waxaa igu dambeysay 2019, xiligaas maanta ayay ka qurux badan tahay dhankasto" ayuu yiri Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre.

Wuxuu sidoo kale sheegay Raysal wasaaraha iney soo afjareen dhibaatooyinkii sida joogtada ah loogu geysan jiray dhalinyarada ku shaqeysata Bajaajyada Muqdusho.

"Waxaa la soo afjaray dilalkii loo geysan jiray wiilasha Bajaajlayaasha ah ee Muqdisho oo waxaa lagu guuleystay in la kala nidaamiyo A iyo B ayaa loo kala shaqo galiyay oo dhibkii wuu yaraaday wad aragteen" ayuu yiri Raysal wasaare Xamse Cabdi Barre.

Ugu dambeyntii Raysal Wasaaraha ayaa ugu baaqay shacabka reer Muqdisho iney bixiyaan canshuurta, si loogu badelo horumar iyo amni, Caasimadda Muqdishana ay u noqoto mid la tartanta Caasimadaha Caalamka ee dhiggeeda ah.