5/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 29, 2024
Somaliland oo u mahadcelisay sanatar ka tirsan Koongraska Maraykanka oo ku baaqay in Somaliland lala macaamilo
 

Isniin, April, 29, 2024 (HOL) - Somaliland ayaa u mahacelisay Sanatar James E Risch oo ka tirsan Guddida Arrimaha Dibadda Koongaraska Maraykanka oo dowladiisa ugu baaqay in ay xidhiidh la samyso Somaliland.

Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici ayaa qoraal jawaab celin ah oo uu ku baahiyay bartiisa X ku sheegay in Somaliland ay Risch uga mahadcelinayso taageeradiisa.

"Anigoo ku hadlaya magaca dawladda Somaliland, waxaan jecelahay in aan kaaga mahadnaqo taageeradaada, waxay iftiiminaysaa farqiga u dhexeeya Somaliland oo ah isha dimuquraadiyadda Afrika iyo Soomaaliya oo ah qaran fashilmay" ayuu yidhi Saylici.

Sanatar Risch ayaa dowladiisa ugu baaqay in ay macaamil la yeelato Somaliland, isaga oo sheegay in siyaasada Maraykanka ee "Soomaaliya hal ah" anay ahayn mid xaqiiq ku salaysan.

"Sannado badan waxaan ku boorinayay Wasaarada Arrimha Dibadda in ay la shaqayso Somaliland, oo ayna isdiidsiin horumarkeeda dimuquraadiyadeed" ayuu Sanatar Risch ku yidhi qoraal uu ku baahiyay bartiisa X.

Maraykanka ayaa lagu wada in uu dhawaan meel mariyo xeer uu si gaar ugula shaqaynayo Somaliland, kadib markii ay qaar kamid ah golayaasha Maraykanku meelmariyeen.