5/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 29, 2024
Koomiishanka Doorashooyinka Somaliland oo ku baaqay in doorasho loo diyaar garoobo
 

Isniin, April, 29, 2024 (HOL) - Koomiishanka Doorashooyinka Somaliland ayaa dadwaynaha iyo daneeyayaasha ugu baaqay in ay u diyaargaroobaan doorashooyinka soo socda.

Guddoomiyaha Guddida Doorashooyinka Muuse Xasan Yuusuf, oo warbaahinta la hadlay kadib kulan ay xubnaha guddidu la yeesheen Guddida Joogtada ah ee Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa bulshada iyo warbaahinta ugu baaqay in la ilaaliyo anshaxa doorashooyinka.

"Doorashooyinkii ayaa loo dhaqaaqay, waxaanu rajaynaynaa dhamaan bulahada Somaliland, saxaafada in loo hoggaansamo xeerarka inoo yaala, oo koomiishanka shaqadiisa loo daayo, wixii dhib ah ee jira waxa jira qaabab aanu ula shaqayno daneeyayaasha" ayuu yidhi Guddoomiye Yuusuf.

Guddida Joogtada ah ee Golaha Wakiilada ayaa iyaguna dhankooda sheegay in ay koomiishanka kala shaqaynayaan sidii doorashadu ay si xalaal ah ugu qabsoomi lahayd, iyaga oo koomiishanka ku amaanay shaqada uu hayo oo ay sheegeen in ay tahay mid hufan.

Waxa dhawaan lagu dhawaaqay wakhtiga rasmiga ah ee ay qabsoomayaan doorashooyinka isku sidkan ee madaxtooyada iyo axsaabta siyaasada, waxayna wada qabsoomi doonaan 13, November, 2024.