5/15/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 29, 2024
43 qof oo lagu la'yahay doon ku qarqantay meel u dhaw magaalada Garisa
 

Isniin, April, 29, 2024 (HOL) - 43 qof oo doon uga gudbayay wabiga Tana River ee magaalada Garisa ee gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa lagu la’ yahay nolol iyo geeri.

Dadkaan oo kasoo safray magaalada Nairobi, ayaa la sheegay inay doon kasoo raaceen deegaanka Kona Punda oo u dhow jidka isku xira magaalada Gaarisa iyo degaanka Madogo ee gobolka Waqooyiga Bari.

Daadad ka dhashay roobab mahiigaan ah oo maalmahan ka da'ayay Kenya iyo wabiga Tana oo karkaarada jabsaday, ayaa loo maleynayaa in ay sababtay in doonta ay dadkaan la socdeen ay qarqantay, lamana hayo war sax ah oo ku saabsan nolasha dadkaan safarka ahaa.

Hay’adda Laanqayrta Cas ee Kenya ayaa warbixin ay soo saartay waxay ku sheegtay in doonta ay dadkan la socdeen loo maleynayo inay gudoontay markii ay isku dayday inay kasoo gudubtay webiga Tana.

Dadka lala yahay ayaa kasoo jeeda magaalada Garisa, waxayna ahaayeen dad doonayay inay guryahooda kusoo laabtaan, maaddaama ay Kenya ka jirto xaalad degdeg ah oo ka dhashay roobab mahiigaan oo sababay daadad xooggan.