4/30/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 2 , 2024
Itoobiya oo tababar usoo xirtay cutubyo katirsan ciidamadeeda badda
 

Talaado, Apriil, 2, 2024 (HOL) - Dowladda Itoobiya ayaa tababar usoo xirtay cutubyo ka tirsan ciidamadeeda badda Itoobiya oo la baray xirfado la xiriira dab-damiska maraakiibta.

Wakiilka Taliyaha Guud ee Ciidanka Badda Itoobiya, Rear Admiral Naasir Abadga, ayaa u sheegay askarta tababarka loo soo xidhay inay waajib ku tahay ka hortagga wax kasta oo lid ku ah ammaanka badda.

In kasta oo Itoobiya ay weli tahay dal aan bad lahayn, haddana waxa ay qabanqaabinaysay ciidammadeeda badda shantii sano ee la soo dhaafay.

Bishii Juun ee sannadkii hore, Itoobiya waxaa ka qalin-jabiyay dhowr xubnood oo ka tirsan ciidamada badda oo lagu tababaray xirfado kala  duwan.

Itoobiya ayaa bishii January ee sanadkan heshiis dhinaca badda ah la gashay Somaliland, heshiiskaas ayaa u oggolaanaya Ethiopia inay isticmaasho 20km oo katirsan biyaha Somaliland, halka Itoobiya ay sheegtay inay Somaliland siinayso aqoonsi caalami ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa si adag uga hortimid heshiiskaan, iyadoo ku tilmaamtay xadgudub ka dhan ah madax banaanida dhuleed iyo midnimada Soomaaliya. Waxayna mrkaas ka dib dowladdu hoos u dhigtay xiriirka diplumaasiyasadeed ee kala dhaxeeyay Itoobiya.