4/30/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 2 , 2024
Maamulka gobolka Banaadir oo gubay dawooyinka maanka dooriya
 

Talaado, Apriil, 2, 2024 (HOL) - Maamulka gobolka Banaadir ayaa goob fagaare ah ku gubay dawooyinka maanka dooriya ee ay dhallinyaradu ku isticmaalaan magaalada Muqdisho.

Dawooyinkan ayaa lagasoo aruuriyay xarumo caafimaad oo kuyaala magaalada Muqdisho, kuwaas oo lagu eedeeyay inay si qaldan uga ganacsan jireen, taasoo keentay in dhallinyaro badan ay ka dhigtaan balwad ay qabatimeen.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale Maddaale, ayaa digniin u diray ganacsatada dhalinyarada ka iibiya daawooyinka sida qaldan loo isticmaalo, oo ay kamid yihiin kaniiniyaasha iyo sharoobooyinka, isagoo sheegay ciddii mar dambe lagu qabto in maxkamad lalasoo istaagidoono.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale digniin u diray ganacsatada keentay waxyaabaha halista ku ah mustaqbalka carruurta, wuxuuna sheegay inay dhawaan qabteen Nacnac loo ekaysiiyay Sigaarka, taasoo guddoomiyuhu sheegay inay keeni karto in carruurtu si fudud ku bartaan sigaarka.

Wuxuu sheegay inay dowladdu ruqsada kala laaban doonto ganacsatada soo dajiya badeeco kaste oo bulshada halis ku ah, wuxuuna sheegay inay maamulka gobolka si dhow ula socda badeecadaha kasoo dege dekedda iyo garoomada diyaaradaha.