4/30/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 1 , 2024
Ciidanka NISA oo gacanta ku dhigay rag ka tirsan Al-shabaab oo Bambooyin ku hubeysnaa
 

Isniin, Apriil, 1, 2024 (HOL) - Ciidamada Nabadsugida iyo Sirdoonka qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa gacanta ku dhigay laba nin oo ka tirsan kooxda Al-shabaab oo magaalada Muqdisho ka fulin rabay falal ka dhan amaanka.

War kooban oo kasoo baxay hay'adda NISA ayaa lagu sheegay in labadaan nin ciidanku gacanta kusoo dhigeen iyaga oo gacmaha ku wata bambooyin ay doonayeen iney ku dhibaateeyaan dadka reer Muqdisho.

“Ciidanka ammaanka ee dowladda ayaa saacad kasta u taagan sugidda amniga magaalada iyagoo wada shaqayn buuxda ka helaya muwaadiniinta Soomaaliyeed. Xilliga ay qabanayeen ciidamada labada Dhagar-qabe ayaa waxay gacmaha ku wateen Qaraxyo ay damacsanaayeen inay ku dhibaateeyaan dadka shacabka ah" ayaa lagu yiri warka ka soo baxay NISA.

Qoraalka kasoo baxay NISA laguma faahfaahin halka uu sida gaarka ah uga dhacay howlgalka lagu soo qabtay labadaan xubnood ee ka tirsan Maleeshiyaadka Al-shabaab ee bambooyinka watay.

Muqdisho waxaa mararka qaar ka dhaca weeraro qaraxyo iyo toogasho isugu jira oo ay kooxda Al-shabaab geysato, hayeshe amaanka Muqdisho ayaa ahaa mudooyinkii dambe mid soo hagaagayay kadib markii ciidamadu ay kordhiyeen howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab.