4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 8 , 2019
Afrika oo yeelaneysa Aag Ganacsi oo Xor ah

Isniin, July, 08, 2019 (HOL)-  Hoggaamiyeyaasha qaaradda Afrika ayaa muddo dheer kaddib waxaa laga fili karaa inay ku dhawaaqan Aag ganacsi oo xor ah , iyadoo heshiis aagga la xiriira laga sugayo inuu ka soo baxo shirka madaxda Afrika uga socda magaalada Niamey ee caasimadda dalka Niger.

Aagga ganacsi wuxuu mideyn doonaa 1 bilyan iyo 300 oo milyan oo qof oo ku nool Afrika, waxana uu abuuri doonaa fursado ganacsi oo gaaraya $3.4 trillion oo doollarka Mareykanka.

Mashruucan oo Afrika u furi doona bog cusub oo horumar dhaqaale ah, ayaa wada-hadalkiisu ay soo billowdeen 17 sannadood ka hor, hase yeeshee kaddib afar sanno oo wada-hadallo aad u adag oo ay dhammaan madaxda Afrika ka yeelanayeen ganacsiga xorta ah ee qaaradda ayay Axaddii shalay hoggaamiyeyaasha dhaqaajiyeen mashruucan ganacsi.

Madaxda Midowga  Afrika, Moussa Faki  ayaa furitaanki shirweynaha madaxda Afrika oo socon doona ilaa Isniinta maanta ah ka sheegay in maanta ay Afrikaa u tahay maalin taariikhi ah.

Madaxweynaha Masar ,Cabdilfarax Al Sisi oo hadda ah guddoomiyaha Midowga Afrika ayaa isna sheegay in indhaha caalamka oo dhan ay hadda soo eegayaan Afrika.

Dalka Eritria ayaa noqday dalka kaliyah ee aanan saxiixin heshiiska aagga ganacsiga xorta ah ee Afrika, hallka Nigeria oo ah dalka ugu dhaqaalaha weyn Africa uu shalay saxiixay.

Tallaabada ugu horreysay ee iskaashiga ganacsiga xorta ah ee Afrika ayaa ah in dalalka ay tuuraan ama aad u yareeyaan canshuuraha ay saari jireen badeecaha ay dalalka Afrika kala iibsadaan, laakin waxaanan wali lagu dhawaaqin waqtiga rasmiga ah ee uu billaaban doono barnaamijkan.

Aagga Ganacsiga xorta ah ee Afrika ayaa noqonaya kan ugu weyn caalamka, kaddib aas-aaskii hey’adda ganacsiga adduunka ee WTO oo la sameeyay sannadkii 1994-kii.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]