4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 15, 2019
Xukuumadda Somaliland oo cambaaraysay weerarka siyaasadeed iyo dhaqaale ee dawladda Soomaaliya ku soo qaaday

 

Isniin, July, 15, 2019 (HOL)-Golaha wasiiradda Somaliland ayaa maanta kalfadhi aan caadi ahayn iskugu yimid sidii ay iskaga difaaci lahaayeen dagaalka siyaasadeed iyo dhaqaale ee ay ku soo qaaday dawlada SOomaaliya.

Shirkan aan caadiga ahayn waxa shirgudoominayey madaxweyne Muuse Biixi, waxaana ku wehelinaayey madaxweyne ku xigeenka C/raxmaan Saylici, kuwaas oo cambaareeyey Weerarka Siyaasadeed iyo Dhaqaale Ee Ka Soo Yeedhaya Soomaaliya

“Kal-fadhi aan caadi ahayn oo ay golaha wasiirradda Somaliland, maanta yeesheen oo uu shir gudoominayey Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (saylici), ayaa lagu lafo-guray weerarka siyaasadeed iyo dhaqaale ee maamulka muqdisho ku hayo Somaliland, oo ay ugu danbaysay dacwaddii iyo dagaalkii ay u galeen sidii aanay xoolaha Somaliland u dhoofi lahayn, taasoo markhaati cad u ah carqaladaynta dhaqaalaha Somaliland, balse dedaal dheer oo dawladda Somaliland ka gashay sii daynta xoolahaasi ay ka degeen dalka sucuudiga.”ayaa lagu yidhi war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska madaxweynaha.

Waxaana intaas lagu sii daray “Golaha wasiirrada Somaliland waxa uu cambaaraynayaa weerarrada joogtada ah ee maamulka Xamar ku bartilmaameedsanayo horumarka Somaliland, taasoo muujinaysa cadaawadda aan gabbashada lahayn ee ay shacbiga Somaliland u hayaan.Waxa aan marnaba qarsoonayn is hortaaggii badheedhka ahaa ee ay maamulka Muqdisho isku dayeen in xoolo ka dhoofa dekeddaha Somaliland aanay ka degin dalka Sucuudiga. Balse waxa ayaandarro ah inay guuldarradaas ka dib sheegato Xamar, guusha Somaliland xoolaheeda ku geysay dalka Sucuudi Carabiya.

Dawladda Somaliland waxay si ballaadhan ugu mahadnaqaysaa dawladda boqortooyada Sucuudi Carabiya tallaabada geesinnimada leh ee ay ka qaadatay dejinta markabkii siday xoolaha ka dhoofay Somaliland kuna garawsatay muhiimadda isu socodka ganacsiga labada dal.”

Sidoo kale, waxa golaha wasiiradda lagu go’aamiyey in suuqyo ganacsi oo kale oo cusub loo raadiyo iibgeynta laf dhabarta dhaqaalaha ee xoolaha nool.

Si kastaba ha ahaatee, markab Xoollo ka qaaday dekada Berbera ayaa dhawr maalmood ku xayirnaa dekadda Jidda ee Sucuudiga ka dib markii dawladda Soomaaliya amartay in aan xoolahaasi sidan rusqadii caafimaad ee dawlada Soomaaliya, taasina ay keentay muran ah in la soo celiyo in aan la soo celin, ugu dambeynta maanta la fasaxay in laga dajiyo xoolahaasi.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.