4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 1 , 2016
Koox dabley ah oo ganacsade ku dilay mid kalena ku dhaawacay Magaalada Laascaanood ee G/Sool
Khamiis, September 01, 2016 (HOL) — Ugu yaraan ruux ayaa ku Geeryooday, mid kalena wuu ku dhaawacmay, kaddib markii koox hubaysay ay rasaas kula beegsadeen labadan ruux badhtamaha Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool.

Raggan la rasaaseeyay oo ahaa Ganacsato, ayaa lagu weeraray meel aan ka fogey masjidka Jaamaca ah ee Magaalada Laascaanood oo ay kasoo baxeen xilliga dableydani Weerartay.

"Waxaan ku sugnaa Maqaayada Mustaqbal markaan rasaasta maqlay, waxaana u soo baxay goobtii ay wax ka dheceen, waxayna indhahaygu qabteen laba Rag ah oo jid-cadaha yaalla, dadkii iiga horreeyay goobtana ay garteen. Dhiig badan ayaana xilligaas madaxyadooda ka socday, Waxaana markiiba noogu yimid Ciidammo," ayuu yiri goobjooge ka dhawaa goobta uu falkaani ka dhacay.

Sidoo kale, Ruuxa dhintay oo lagu magcaabi jiray, Maxamed Xirsi Yuusuf ayaa ahaa sarkaal Sare oo ka tirsanaa Shirkadda Dahab-shiil Xarunteeda Muqdisho, wuxuuna Laascaanood ku sugnaa muddo todobaad ku dhaw, wuxuuna soo gaaray Qoyskiisa oo magaalada ku nool.

Ciidanka booliska Laascaanood, ayaa wada hawl-gallo ay ku baadi-goobayaan ciddii falkan ka dambeysay, waxaana xiriir aan la samaynay booliiska ay ku gaabsadeen inaanay ka hadli karin xilligaan, balse warar ku dhaw ayaa sheegay in dad la qab-qabtay.

Ugu dambeyntii, Muddo Bil ah ayaa laga joogaa markii Sidaan oo kale kooxo hubeysani ay toogasho ku dhaawaceen guddoomiyaha ganacsatada gobolka Sool, Cabdirisaaq Dhabayaco oo haatan lagu daaweynayo Waddanka Turkiga, arrintaan ayaana noqonaysa mid culays iyo amni-darro u keenaysa ganacsatada.

Seynab Cabdi Warsame, HOL
E-mail: [email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool