4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 1 , 2016
Miino dhulka lagu aasay oo la Qaraxday ciidan ka tirsan Puntland iyo ganacsade lagu dilay Gaalkacyo

/images/2016/Sept/
Khamiis, September 01, 2016 (HOL) —Qarax sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa lagu soo waramayaa in lala eegtay ciidamo ka tirsan kuwa Puntland oo ku sii jeeday degmada Gal-gala ee gobolka Bari ,halkaasi oo ay ku dhumaalaysanayaan xubno ka tirsan ururka Al-shabaab ee dagaalka kula jira Puntland.

Tiro askar ah  ayaa lagu soo waramayaa in ay qaraxan ku dhaawacmeen,kaasi oo ka dhacay halka lagu magacaabo Bali-khadar oo ka tirsan Gal-gala ,isla markaana uu dhowr jeer oo hore dagaal ka fool ka fool ah ku dhex-maray Al-shabaab iyo Puntland.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Puntland oo aan la xiriirnay ayaa ka gaabsaday in ay faah-faahin ka bixiyaan weerarkan oo dadka ku geeriyooday ay ku jirto qof dumar sida laga soo xigtay dad deegaanka ah.

Dhinaca kale maleeshiyaad hubaysan ayaa maanta magaalada Gaalkacyo ku dilay nin ganacsade ah oo lagu magacaabi jiray Cabdulaahi Cismaan Axmed xilli uu marayay suuqa Darxumo ee waqooyiga magaalada Gaalkacyo.

Weerarkan oo u muuqday mid qorshaysan ayaa la sheegay in kooxihii fuliyay ay u baxsadeen dhanka koonfurta magaalada Gaalkacyo waxyar ka dib intii aysan Puntland xayiraad ku soo rogin gaadiidka badeecdaha u soo sida Puntland ee ka imaanaya koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Ugu danbayn, Puntland ayaa ciidamo tiro badan keentay magaalada si loo sugo amniga ,waxaana maalmo ka hor ay soo saartay liiska dhowr nin oo lala xiriirinayo qaraxii dhimashada badan sababay ee asbuucii hore  ka dhacay magaalada Gaalkacyo.

Hiiraan Online News Desk