Danjiraha Somalia ee Tanzania oo laga guddoomay Warqadihii Aqoonsiga Safiirnimo (SAWIRRO)
Khamiis, September 01, 2016
(HOL) — Danjiraha Cusub ee Somalia ee Tanzania, Maxamed Xasan
Cabdi iyo ku xigeenkiisa, ahna Qunsulka Safaarada Soomaaliya ee Tanzania, C/qaadir
Maxamuud Yuusuf, ayaa dhawaan kulan ka qaatay madaxweynaha waddanka Tanzania, John Pombe
Magufuli, wuxuuna ka guddoomay Warqadihii aqoonsiga danjirenimo.
Madaxweynaha Dalka Tanzania iyo Danjiraha cusub ee Somalia ee dalkaas ayaa kulankooda kaga hadlay
xiriirka labada waddan iyo sidii Xukuumadda Dalkaas ay gacan ugu siin lahayd
danjiraha cusub Gudashada shaqadiisa inta uu Danjiraha yahay.
Sidoo kale, Madaxweynaha Tanzania,
John Magufuli ayaa sheegay in dowladdiisu ay gacan ku siin doono safiirka iyo
ku xigeenkiisa gudasha Waajibkooda shaqo, isagoo bogaadiyay horumarka ay
Somalia xilligaan ku socoto, kaddib dagaallo sokeeye oo muddo dheer socday.
Dhanka kale, safiirka
Somalia ee Tanzania iyo ku xigeenkiisa ayaa salaan sharaf ka qaatay guutooyin
ka tirsan ciidamada bambeyda dalka Tanzania, waxaana xarunta madaxtooyada loogu
soo dhaweeyay si maamuus leh.
Ugu dambeyn, Somalia ayaa
waxay dalka Tanzania ku leedahay dhisme safaarad iyo mid ay dagaan danjiraha, qunsulka
iyo shaqaalaha safaaradda, waxaana uu ka badbaaday dhismahan burburkii ku
dhacay Safaarado kale oo Somalia ay Dalal ka tirsan caalamka ku lahayd.
Ibrahim Baafo, Hiiraan,
Online
[email protected]
Melbourne, Australia