4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 1 , 2016
Mareykanka oo Liiska Argagaxisada ku daray Sheekh C/qaadir Muumin oo ka tirsan Ururka Daacish
Khamiis, September 01, 2016 (HOL) — Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, ayaa liiska xubnaha argagixisada ah ee sida gaarka ah loo beegsanayo ku dartay Sheekh C/qaadir Muumin oo dhawaan ku biiray kooxda Daacish, kana dagaallanta Soomaaliya.

Saraakiil u hadashay Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa sheegay in uu dhigayo amar uu soo saaray Madaxweyne Obama in la cunno-qabateyn lagu soo rogo shaqsiyaadka iyo kooxaha loo arko inay halis ku yihiin amaanka waddanka Mareykanka.

Wuxuu Sh. C/qaadir Muumin madax u yahay koox Somali ah oo bishii Oktoobar ee sannadkii hore ku biirtay ururka Daacish, kuwaasoo saldhiggoodu yahay Puntland, inkastoo Sheekhaan uu horay uga tirsanaa Al-shabaab.

Mareykanka ayaa sheegay in la xayirayo hantida Mareykanka u taalla, sidoo kalena uusan ka ganacsan karin gudaha Mareykanka, iyagoo wadaadkan ku eedeeyay inuu ballaariyay unug argagixiso ah ayna afduubaan wiilal yar-yar oo da’doodu u 10 - 15 sano ay u dhexeyso, kuna qasbay inay u dagaalamaan kooxdooda.

Ugu dambeyn, Sheekh C/qaadir Muumin ayaa noqonaya ruuxii ugu horreeyay oo ah Soomaali xiriir la leh ururka ISIS/Daacish oo Xukuumadda Mareykanku ay ku darto Liiska Xubnaha la baadi-goobayo, inkastoo Mareykanka uu horay liiska Argagixisada ugu daray xubno ka tirsan Al-shabaab.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya