4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 1 , 2016
Nairobi oo culimada saynisku sheegtay in maanta qorrax madoobaad uu ka dhici karo

Khamiis, Sitember 01, 2016 (HOL)-Qarrax madoobaad nus ah (partial solar eclipse) ayaa maanta waxaa laga yaabaa inuu ka dhaco Nairobi, caasimada Kenya.

Culimada sayniska ayaa sheegay sidaa ayagoo intaa ku daray in uu qorrax madoobaadku qaadan doono muddo afar saacadood ku dhow; 10ka subaxnimo ilaa 1.38 duhurnimo ayadoo xooggiisu yahay 11.47 barqonimo.

Qorrax madoobaadka ayaa saamayn doona dhul dhan 270km oo laga bilaabo Nairobi.

Culimada sayniska ayaa intaa ku daraya in qorrax madoobaadkaani dhaco markii dyaxu cusub yahay. Waxay kaloo sheegayaan inuu dhici karo markii qorraxda, dayaxa iyo dhulku isku aadamaan ama marka dayaxu aad uga fog yahay qorraxda.

Eeegitaanka qorraxda waqtigaa ayaa dhaawaci karta isha. Markii ugu dambeysay ee uu qorrax madoobaad ka dhaco Kenya waxay ahayd 2013 gaar ahaan degmada Turkana.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
Caasimada Kenya ee Nairobi
[email protected]