4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 1 , 2016
Al-shabaab oo baahisay Haybta Ruuxii Fuliyay Weerarkii Ismaadaaminta ahaa ee Hotel SYL Muqdisho

/images/2016/Aug/2016831636082165359473313muqdd.jpgKhamiis, September 01, 2016 (HOL) — Al-shabaab ayaa warbaahinta taageerta ka baahisay wareysi uu bixiyay ninkii fuliyay weerarkii is-miidamainta ahaa ee Hoteel SYL oo ku dhaw madaxtooyada lagu qaaday maalin ka hor, kaasoo sababay tiro aad u badan oo dhimasho iyo dhaawacyo ah.

Ruuxan fuyay weerarka ayaa lagu magacaabi jiray, Jaabir Cabdullaahi Diiriye, sidoo kalena waxaa loo yaqaannay Shuki, waxayna Al-shabaab sheegtay inuu u dhashay beesha Mareexaan. Iyagoo intaa ku daray in Jaabir oo kaxeynayay baabuur xamuul ah oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa uu la beegsaday Hoteelka SYL.

Sidoo kale, Al-shabaab ayaa Warbixinteeda ku xustay in Jaabir oo 44 jir ahaa uu ku dhashay deegaanka Buusaar ee Gobolka Gedo  Sannadkii 1972-kii, isla markaana uu hawlo shaqo oo kala duwan kasoo qabtay Qaybaha kala duwan ee Al-Ssabaab ka kooban tahay, isagoo ugu dambeyn ka mid ahaa guutada is-qarxinta ee Al-shabaab.

Dhanka kale, Wareysiga laga qaaday Jaabir ayuu kaga hadlay Taariikhdiisa iyo sida uu doonayo inuu weerarka uu qaadayo u fuliyo, waxaana uu ka mid noqonayaa tiro ka tirsanaa Al-shabaab oo weerarro noocan oo kale ah ka fliyay Muqdisho.

Xarakada Al-shabaab ayaa xilliyadii dambe baahinayay magacyada iyo Qabiilka ay u kasoo jeedaan dadka fuliya weerarrada is-qarxinta ah ee ay ka geysanayaan qaybo ka mid ah dalka, iyadoo arrintan ay tahay mid ku cusub Al-shabaab.

Ugu dambeyn, Weerarkii ka dhacay Muqdisho maalin ka hor ayaa waxaa natooda ku waayay in ka badan 25-qof oo isugu jiray askar iyo dad shacab ah, wuxuuna ka mid ahaa qaraxan kuwii ugu cuslaa ee Muqdisho soo mara.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya