4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 1 , 2016
Qoysas kasoo laabtay Dhadhaab oo ku xayiran Dhoobleey xilli Jubaland diiday in ay qaabisho dadka soo laabanaya
Khamiis, Sitember 01, 2016 (HOL) -Ku dhawaad 1200 oo qof oo kasoo laabtay xerooyinka qaxootiga dalka Kenya ee Dhadhaab ayaa ku xayiran deegaanka Dhoobleey, ayadoo dadkani ay yihiin kuwo intooda badan ku wajahnaa magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose.

Wasiirka wasaaradda arimaha gudaha Jubaland Max’ed Warsame Darwiish ayaa dhawaan shaaciyay in ay joojiyeen qaabilaadda qaxootiga Soomaaliya ee dib ugu soo laabanayay deegaanada Jubaland, isagoo arintaasi sabab uga dhigay in kumannaan qoys ooh ore usoo gaaray deegaanadan ay ku dayacanyihiin xerooyinkii ay ku jiri jireen dadka barakacayaasha ee magaalada Kismaayo.

Waxa uu sheegay in aysan jirin goobo ay dadkani ku noolaadaan oo loo dhisay, ayna jirin cid ka warqabta noloshooda, caafimaadkooda iyo waxbarashadooda, waxa uuna wasiirku sheegay in Jubaland aysan awoodi karin in ay daboosho baahida daruuriga ah ee qoysaskaasi.

Qoysaska ku xayiran Dhoobleey ay ku jira laba xarumood oo kala ah xarunta UNHCR ay ku leedahay Dhoobleey iyo xarun kale oo ay gacanta ku heeyso hay’adda IOM.

Mudooyinkii u danbeeyay Qoysas tiro badan oo Soomaaliyeed oo qaxooti ku ahaa dalka Kenya ayaa beegsanayay gobollada Jubada Hoose, Gedo iyo gobolka Bay.

Magaalooyinka ay dadka qaxootiga aad u gaarayeen todobaadyadii ugu danbeeyay waxaa kamid ah, magaalada Kismaayo, Luuq, Doolow iyo magaalooyin kale oo ka tirsan J/hoose iyo Gedo.

Magaalada Kismaayo ayaa waxaa saaka ka furmay shir ballaaran oo u dhexeeya madaxda Jubaland iyo masuuliyiinta ugu sareeysa ee hay’adda qaxootiga Aduunka ee UNHCR, ayadoo shirkan diiradda lagu saari doono arimo la xiriira qaxootiga Soomaaliya ee dalkooda lagu soo celinayo.

Jubaland ayaa dooneeysa in hay’adda Qaxootiga Adduunka ee UNHCR ay gacan ka geeysato sidii dadkan kusoo laabanaya dalkooda ay ku heli lahaayeen adeegyada lagama maarmaanka u ah nolosha ee ay u baahanyihiin.

Qaxootiga kasoo laabanaya xerooyinka Dhadhaab ayaa intooda badan dulsaar ku ah qoysaskii barakacayaasha ahaa ee hore ugu dhibaateeysnaa deegaanada Jubaland, ayadoo aysan jirin cid ka warqabto noloshooda, marka laga reebo lacago yar oo la siiyo marka a dalka soo gaaraan, taasoo sii adkeeysay nolosha barakacayaasha ku nool magaalooyinka ay qoysaskani beegsanayaan ee Jubaland.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.