SAWIRRO: Sida Shacabka Muqdisho ay Maanta ugu Ciideen Xaafadda Daaru-salaam, Muqdisho
Isniin, September 12, 2016 (HOL) —
Boqolaal shacab ah oo Munaasabadda Ciidul-Adxaa u Dabaal-dagayay, ayaa isugu tagay
maanta Xaafadda Daaru-salaam ee Muqdisho. Dadkan ayaa aroortii hore
ee Saakay ku ururay Xaafaladdaas oo loo diyaariyay goob salaadda ciidda ay ku tukadaan.
Dadkii Salaadda ka qayb-galay
waxaa qayb ka ahaa Haween iyo Carruur aad u fara badan oo wajiyadooda laga dheehanayay
farxad maalinta 1-aad ee ciidul-adxa oo maanta si rasmi ah u billaabatay.
Munaasabadda Ciidul-Adxaa
ayaa ka mid ah maalmaha ay dadka muslimiinta ahi ku ciidaan Dunida oo dhan,
kaddib gudashada Waajibaadka Diiniga ah ee Xajka oo shalay ay malaayiin
muslimiin ah u taagnaayeen buurta carrafo.
Sidoo kale, Carruur badan ayaa xaafadda Daaru-salaam loogu diyaariyay qalab kala duwan oo ay ku Cayaaraan,
iyadoo Dadka waaweyn ay iyaguna ku il-doogsanayeen dhismayaasha
iyo geedaha deegaankaas lagu beeray.
Madaxa Suuq-geynta Daaru-salaam,
Fu’aad Axmed Warsame ayaa ka warbixinayay sida ay ugu diyaar-garoobeen
munaasabada, isagoo tilmaamay in Sannadkaan ay kusoo kordhiyeen agabyo Electronic ah
sida; Gaadiidka, Tariinnada iyo Geymamka ay inta badan carruurtu ku cayaaraan,
kuwaasoo aan horay looga heli jirin dalka Somalia.
Dabaal-dagga Ciidda ee Daaru-salaam,
ayaa dadweynihii isugu tagay goobtaas waxay isugu hambalyeynayeen ciidda, iyadoo
carruurta ay halkaas ka heleen agabyo kala duwan oo ay ku cayaaraa, waxaana
goobta oo dhan laga dareemayay farxad aad u weyn.
Ugu dambeyn, Ciidul-Adxaa
- Waa astaan u taagan Weyneynta Muslimiintu ay Weyneeyaan Waajibaadka Xajka
oo ah - isku imaatinka ugu ballaaran ee Muslimiinta ay Sanadkiiba
mar isugu tagaan Maka Al-Mukarama. Waxaana Sannad walba Xajka ka Qayb-gala Dadyoow ka kala socda in ka badan 150
Dal oo Caalamka ka mid ah.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya