SAWIRRO: Gobollada Somaliland oo si weyn loogu Dabaal-dagay Maalinta 1-aad ee Ciida Carafo
Isniin, September 12, 2016 (HOL) —
Dunidda islaamka, gaar ahaan shacabka Somaliland, ayaa maanta gudatay
waajibaadkii CIidal Arafo oo dunidda islaamka si weyn looga xuso.
Saaka subaxii hore ayaa
dadweynuhu u dareereen salaadda Ciidda ee labadda ragcadood, ka dib dadweynaha
oo sida moojadaha iskaga daba socda usoo dareereen goobaha dalxiiska iyo
meelaha nagu nasto, waxaanay dadweynuhu iskugu jireen dad lugta isticmaalayey iyo
kuwo gaadiidka ku sita caruurtooddii.
Dadweynaha ayaa isku
salaamayey ciid wanaagsan iyo macal ciideen, waxaanay ahaayeen dad wejiyadoodda
laga dareemayey farxad iyo bashbash, kuwaas oo ku labisnaa dharkii ugu quruxda
badnaa,isla markaana waxa iyaguna xusid mudan in caruurta oo ku ciyaaraysa
qalabka caruurta aad ku arkaysay goobaha macmaanka lagu iibiyo iyo hoteeladda.
Gobollada waxaa kala Qayb-galay ciidda xubno wasiiro ah, iyadoo wasiir walba uu la oo ciideebay
deegaankiisa, halka madaxweynaha iyo ku xigeenkiisuna laba goobood oo
dadweynuhu ku badan yihiin kula ciidday dadweynaha.
Madaxweyne Axmed Siilaanyo
oo khudbadii Ciidda hadal kooban usoo jeediyey ayaa yidhi. “Maalintani waa
maalin qiimo weyn ku leh ummadaha islaamka meel kasta oo ay joogaan. Sidaa
darteed, waxa habboon inaynu ummad ahaan la wadaagno farxadda iyo rayn-raynta
ciidda barakaysan ee Eebbe inoo jideeyey.Haddaba, si aynu u helno deeq iyo
danbi-dhaaf Alle, waxa inagu waajib ah in aynu ilaalinno midnimada iyo wada
jirkeena.Waxa inagu waajib ah, inaynu dhammaanteen isu-uursamaanno, isna
saamaxno.Waxa inala gudboon inaynu Allaheena wayn u noqonno, iskana cafino
wixii xan iyo xumaan ina dhex-martay”.
Madaxweynuhu waxa uu
shacbiga Caasimada ku qaabiley Qasriga Madaxtooyada iyadoo ay wehelinayaan
Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye, Gudoomiyaha
Golaha guurtida, Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland, Md Axmed Yuusuf
Yaasiin, Odayga Somaliland Xaaji Cabdikariin Xuseen, Madaxda dhaqanka qaar ka
mid ah, Badhasaabka gobolka Maroojideex iyo masuuliyiin tiro badan.
Barkhad-ladiif Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland