3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 1 , 2016
Wareysi Gaar ah: Guddoomiyaha Gudiga Doorashooyinka Soomaaliya












Click here
9/1/2016 4:38 PM EST
Khamiis, September 01, 2016 (HOL) — Ugu yaraan ruux ayaa ku Geeryooday, mid kalena wuu ku dhaawacmay, kaddib markii koox hubaysay ay rasaas kula beegsadeen labadan ruux badhtamaha Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool.

9/1/2016 4:24 PM EST
Khamiis, September 01, 2016 (HOL) —Qarax sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa lagu soo waramayaa in lala eegtay ciidamo ka tirsan kuwa Puntland oo ku sii jeeday degmada Gal-gala ee gobolka Bari ,halkaasi oo ay ku dhumaalaysanayaan xubno ka tirsan ururka Al-shabaab ee dagaalka kula jira Puntland.

9/1/2016 12:53 PM EST
Khamiis, September 01, 2016 (HOL) — Kulanka oo ahaa mid ballaaran oo ay kasoo qeyb-galeen, Siyaasiyiin, Odayaal-dhaqameed, Waxgarad iyo qaybaha bulshada ku nool Beledweyne, ayaa waxaa ka hadlay Duubabka-dhaqanka Gobolka Hiiraan oo eedeyn weyn u jeediyay Danjiraha IGAD ee Somalia, Maxamed Cabdi Afeey,

9/1/2016 9:33 AM EST
Khamiis, September 01, 2016 (HOL) — Danjiraha Cusub ee Somalia ee Tanzania, Maxamed Xasan Cabdi iyo ku xigeenkiisa, ahna Qunsulka Safaarada Soomaaliya ee Tanzania, C/qaadir Maxamuud Yuusuf, ayaa dhawaan kulan ka qaatay madaxweynaha waddanka Tanzania, John Pombe Magufuli, wuxuuna ka guddoomay Warqadihii aqoonsiga danjirenimo.

9/1/2016 9:24 AM EST
Khamiis, September 01, 2016 (HOL) — Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, ayaa liiska xubnaha argagixisada ah ee sida gaarka ah loo beegsanayo ku dartay Sheekh C/qaadir Muumin oo dhawaan ku biiray kooxda Daacish, kana dagaallanta Soomaaliya.

9/1/2016 5:05 AM EST
Khamiis, Sitember 01, 2016 (HOL)-Qarrax madoobaad nus ah (partial solar eclipse) ayaa maanta waxaa laga yaabaa inuu ka dhaco Nairobi, caasimada Kenya.

9/1/2016 3:45 AM EST
Khamiis, September 01, 2016 (HOL) — Al-shabaab ayaa warbaahinta taageerta ka baahisay wareysi uu bixiyay ninkii fuliyay weerarkii is-miidamainta ahaa ee Hoteel SYL oo ku dhaw madaxtooyada lagu qaaday maalin ka hor, kaasoo sababay tiro aad u badan oo dhimasho iyo dhaawacyo ah.

9/1/2016 3:30 AM EST
Khamiis, September 01, 2016 (HOL) — Tababarkaan oo qabashadiisa ay iska kaashanayaan Ururka Dhallinyarada Gobolka Hiiraan iyo urur lagu magacaabo Sufis oo fadhigiisu yahay dalka Sweden, ayaa noqonaya mid sare loogu qaadayo aqoonta dhalinyarrada gobolka Hiiraan.

9/1/2016 2:48 AM EST
Khamiis, Sitember 01, 2016 (HOL) -Ku dhawaad 1200 oo qof oo kasoo laabtay xerooyinka qaxootiga dalka Kenya ee Dhadhaab ayaa ku xayiran deegaanka Dhoobleey, ayadoo dadkani ay yihiin kuwo intooda badan ku wajahnaa magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose.

9/1/2016 2:36 AM EST
Khamiis, Sitember 01, 2016 (HOL)-Dagaalo ayaa ka dhacay Gobolka Sanaag shalay ilaa xalay sida dad deegaan ah ay u sheegeen warbaahinta.

9/1/2016 1:50 AM EST
Khamiis, Sitember 01, 2016 (HOL)-In ka badan 20 kun oo qaxootiga Dhadhaab ah ayaa sanadihii lasoo dhaafay lagu celiyay Soomaaliya.